cashuur kordhinta uu ku kordhiyey Donald Trump

cashuur kordhinta uu ku kordhiyey madaxweynaha cusub ee Donald Trump

shiinaha ayaa doonaya inuu tuso awoodisa wadanka Maraykana una diyaar garoobaya in uu la dagaalamo ka dib markii shiinuhu ka soo horjeestay cashuur kordhinta uu ku kordhiyey Donald Trump

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Labadan wadan ee isu yaqaana in ay yihiin kuwa ugu dhaqaalaha badan aduunka ayaa isugu midiyo lisanaya sidii ay dagaal isugu karbaashi lahaayeen ka dib markii uu Donald Trump ku soo rogay cashuur xadigeedu aad u badan yahay badeecaha Shiinaha. Taa bedelkeeda waxa si degdgeg ah uga soo warceliyey 10_15% oo cashuur ah ku soo beedacadaha beeraha ee uga yimaada Maraykanka

“Hadii uu yahay dagaalka uu doonayo Maraykanku mid canshuureed, dagaal dhanka ganacsiga ah, waxan diyaar u nahay in aan dagaalano illa dhammaadka. Ayaa sidaa ku yidhi qoraal lagu qoray barta X,

erayadanii kuwii ugu xooggana ee ka soo baxa dhankaa iyo shiinaha tan iyo markii qabsaday madaxweynaha cusub ee Donald Trump waxayna tani ku soo beegmaysaa iyada oo hoggaamiyaal ay kuu qulqulayaan isuguna yimaadeen Beijing iyagoo ka qayb geli doona shirwaynaha sannadlaha ah Golaha Shacabka Qaranka.

maalin nimadii arbacda ayaa Ra’iisal wasaaraha Shiinaha Li Qiang, ayaa yidhi waxan mar kale kor u qaadi doonaa kharashkii difaaca 7.2% sidoo kale wxuu ka digay ” isbaddelda aan la arkin ee sida xawliga ah uga socda aduunka oo dhan.”

Huggamiyaasha ku sugan Beijing ayaa dadka farrin u diraya ku saabsan dadka shiinaha in ay ku kal soonaadaan ganacsigooda xittaa hadii ay ay dhacdo khatar dhanka ganacsiga ah.

shiinuhu wuxu in tusayaa in yahay dal ay ka jirto xasilooni dhanka nabada taa ka soo horjeedkeeda Maraykanka , kaas oo madaxda shiinuhu ku Maraykanka in uu isagu ku lug leeyahay dagaalada ka socda Bariga dhexe iyo Ukraine

Shiinaha ayaa doonaya in uu ka faaidaysto kuna raja weyn inuu khaldaadka Donald Trump iyo cashuuraha uu ku soo rogay Canada iyo Mexico, iyagana cashuurta korloogu qaaday

Wadanka Shiinuhu mar horeba wuxu awooda saaray in ay diyaar u yihiin dagaal Dhammadkii bishii October, Madaxweyne Xi ayaa ku baaqay in ay ciidamadu una diyaar garoobaan diyaargarow dagaal iyagoo samanaya tababaro dhanka milatariga ah kuna samaynaya aaga dhanka jasiirada Taiwan sidoo kale waxaa jira farqi u dhaxeeya diyaar garowga malatariga iyo diyaar u ahaanshaha in lagalo dagaal

Khudbaddii Ra’iisal Wasaaraha Shiinaha ee Beijing ee maalinkii Arbacadii waxay awooda saaraysay in wadanka Shiinuhu uu sii wadi doono habayntiisa iyo rajada uu ka qabo in la soo jiito maalgashi shisheeye oo badan

Saraafada wadanka Shiinaha ku taala wadabka Maraykanka ee Washington, DC oo soo xiganaysa qoraal ay soo saartay Wasaarada Arrimaha dibadda oo lagu qoray ingiriisi maalmo ka hor , kaas oo sidoo kale Maraykanu kuna eedaynayo inuu shiinaha ku eedaynayo soo geli taankka daroogada fentanyl.

” Fentanyl waa cudur-daar fudud oo lagu kordhinayo cashuuraha Maraykankua ee soo waax gelinta Shiinaha ” sidaa ayuu yiri afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda.

Xariirka Maraykanka iyo Shiinuhu badna waa mid ah kuwo ugu muranka badan aduunka