usbuuca innagu soo aadan waxa dib loo qaban doonaa wada hadaladii Maraykanka iyo Ukraine kaas oo ka dhici dalka Boqortooyada Sucuuudiga sidaa waxa sheegay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky isagoo ka rajo qaba in ay ku soo dhammaadaan” is afgarad’
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Wakiilka u gaar ka ah Madaxweyne Donald Trump, Steve Witkoff, ayaa sheegay in Maraykanu uu rabo in Ruushka iyo Ukraine in ay sameeyaan “nabad waarta” si loo joojiyo xabada u dhaxaysa labada dal.
Hoggamiyaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa tagi doona Khaliijka se aanan ka qayb noqon doonin kulanka , ayaa sheegay in Kyiv ku hawlan tahay sidii looo heli lahaa nabad “waarta.
Jimcihii tagay waxa isku dhacay, Volodymyr Zelensky iyo Donald Trump hadallo aad u culusna isku dhahay oo aad u qallafsan waqti ay ku sugnaayeen Guriga cad “White House.” xilli gaas oo uu sheegay Trump in aanu zelensky diyaarba u aheyn in wax nabad ahba la gaadho. Wuxuu intaa sii raaciyey in Maraykanu uu joojoiyey gaggaarkii milatari iyo in uu hakiyo wadaagida arrimaha sirdoonka.
Madaxweyne Zelenskii ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay dhacdadaas foosha xun isaga oo isku dayata bal in uu hagaajiyo xiriirkii uu la laha Maraykanka wax walbana saxo -oo ah kan ugu weyn ee dalkiisu ku helo saanada millatari
Maalinimdii Khammista ee usbuucii hore Wakiilka “Witkoff. wuxu sheegay in Donald Trump uu ka helay Warqad Zelensky uu ku “raali gelinayo Trump.” iyo “mahad celin.”
Warqda oo sidan u dhigneyd “waxan ku rajo weyn ahey in aan wax walba dib u saxno oo xiriirkii Ukraine dib loo celiyo wax walbana dib u soo bilowno.”
Ruushka ayaa dullaan adag oo jaho walbana leh ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022-kii , waxa uuna hada gacanta ku maamula ilaa 20%
Zelensky waxa aad u hadheeyey culayso xoogan oo kaga imanay Maraykanka si uu u sameeyo tanaasul ka hor wada xaajood kasta oo nabadeed, halka Madaxweynaha Uktaine uu ku carracka adkaynayey in la helo dammaanad adag oo lugo adag ku taagan oo amniga Kyiv ah.
Zelensky wuxu u sheegay in dalalka caalamku ay ku sameeyaan cadaadis zaaid ah Ruuska si ay “u aqbasho baahida loo qabo joojinta” dagaalka.
sidoo kale wuxuu si adag u sheegay xabbad joojin ah oo todobaadkan horrantiisii uu soo jeediyey Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ,xabbad joojintaas oo ah dhaka Hawada, dhanka weerarada tamarta lala beegsanayo iyo dhanka kaabayaasha dhaqaalaha se Ruushku kamuu soo jawaabin aratidaas
” Ukraine waxay in badan baadi goobaysay nabad tan iyo markii uu dagaalku bilowday ,waxaynu mar walba aragnaa in uu dagaalku sii socdokaliya sababtuna waa Ruushka.”
maalinimadii khamiista , Madaxweynaha Ruushku wuxu sheegay in ay Moscow ay baadi goobayso nabad ” taas oo ka dhabbaynaysa xasilloonida wadankeena marka loo eego aragtida fog.”
“Uma baahnin waxa ay innagu leeyihiin dadka kale balse kama tagi doono wax kasta oo aynu leenahay,” sidaa waxa yiri hoggaamiyaha kremlinka
2014 ayuu qabsaday Ruushku dhulka Crimea ee koonfurta Ukraine , sidoo kale wuxu sheeganaya afar gobol oo kale kuwaas oo ku yaala koonfurta se maamulkiisu kama shaqeeyaan
Donald Trump ayaa ballan ku qaaday xilligii lagu jiray ololahiisa in uu si degdeg ah u soo afjari doono dagaalka Ukraine