Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia abiye Ahmed iyo wafti ballaadhan oo uu hugaaminayo ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Aaden Cadde, ee magaalada caasimada Muqdisho iyadoona soo dhaweyn aad u ballaaran loogu sameeyey gudaha magaalada caasimada Muqdisho. Madaxwenaha Hassan SH Mohamoud ayaana garoonka ugu tegay isagoo sidoo kle salaan sharaf uga qaatay cutubyo gaara ka mid ah xoogga dalka soomaaliyeed oo loo diyaariyey soo dhaweyntiisa. War qoraal ah oo ka soo madaxtooyada soomaliya ayaana waxa lagu sheegay in jeedka Abiye Ahmed uu yahay dhammaystirkii heshiiskii labada dal iyo sidii bog cusub loogu furilahaa xiriirka diblumaansiyadeed ee labada dal Muqdisho iyo Ardisababa.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!
Safarkan ra’iisul wasaare Abiye Ahmed oo booqasho rasmiya ku yimi magaalada Muqdisho ayaa qayb ka ah isku soo dhawaan shaha labada dal dhanka iskaashiga , is qaddarinta iyo in gobolka xasilooni lagu soo dabbalo ka dib hal sanno xidhiidhka labada dal caqqabado hadheeyeen ayaa sidaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyaada soomaaliya sidoo kale ras;iisul wasaaraha Ethipia ayaa na wada hadallo gaar ah kula yeelan doona xarunta madaxtooyada inta uu ku sugan yahay kula yeelan doono madaxweynaha jammhuuriyada soomaaliya mudane Hassan SH mohamoud oo ay ka wada hadli doonan arrimaha ka dhexeeya labada dal ay ugu muhimsan tahay marin biyoodka ay doonayso Ethiopia ee ay ka doonayso jammhuuriyada federalka soomaaliya si kastaba ha ahaatee imaansha ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Abiye Ahmed ee gudaha caasimada Muqdisho ayaa ku soo aadayso in dhawaan uu laba jeer madaxweyne Hassan sh mohamoud uu tagay magaalada Ardisababa ee dalka Ethiopia kaas ay labada masuul ku yeesheen wada hadallo lagu dhammays tirayo heshiiskii Ankara .
Sidoo kale waxay ka wada hadleen si labada ay u xoojin lahaayeen iskaashiga dhinacyada amminga, siyaasada, ganacsiga, ilaalinta xasiloonida gobolka iyo ladagaaalanka wax yaabaha loou yeero argigixisada. sidoo kale waxa filaya in sii ammbaqaadi doonan heshiiskii ku dhex maray Soomaaliya iyo Ethiopia ay garwadeenka ka aheyd dawlada turkiga sidoo kale Abiye Ahmed ra’iisul wasaaraha Ethiopia inta uu kugan yahay magaalda Muqdisho ayaa waxa uu ka qayb qaadan doonaa sida la qorshaynayo xarig jar ka dhacaya gudaha madaxtooyada Soomaaliya oo si casri ah loo dhisay
Sidoo kale ra’iiaulwasaaraha dalka Ethiopia Abiye Ahmed ayaa booqan doono goobo badan oo taarikhiya oo ku dhexyaalka dalka Soomaaliya